Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay raadinaysaa Macallimiin u qalma jagooyinka hoos ku qoran ee Kulliyadda Daawada Xoolaha iyo Xannaanada Xoolaha.
- Warshadaha Kalluumeysiga
- Tiknoolajiyadda Cuntada
- Cudurrada La Isqaadsiiyo II
- Cudurrada kalluunka, daaweynta digaagga iyo anshaxa & sharciyada caafimaadka xoolaha
Codsadayaashu waxaa la door bidayaa in ay haystaan shahaadada Master ama PhD ee Sayniska/Caafimaadka Xoolaha, Bayoolajiga Badda ama Culuumta Nolosha ee la xiriira, oo leh khibrad wax-barid iyo cilmi-baaris.
Shuruudaha:
Warqad codsi oo dhab ah iyo CV faahfaahsan,
Koobiyada shahaadooyinka dhammaan u-qalmidda tacliineed/ natiijooyinka (transcripts),
Macallimiinta, CGPA-du waa in aysan ka hoosayn darajada B,
Codsadayaashu waa in ay leeyihiin ugu yaraan laba sano oo khibrad wax-barid/cilmi-baaris ah.
Waqtiga kama dambaysta ah: 31 Luuliyo 2018
Xiriirka:
Codsadayaashu waa in ay dukumentiyadooda u soo diraan faculty_vet_husb@snu.edu.so ka hor waqtiga kama dambaysta ah.
